1:MAAN WADA TUUGSANO.
![]()
Nin tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri “Magana alle” waxay ku yiraahdeen “allah ha ina siiyo” markaasu yiri “Xataa jab muufo ah oo qalayl ah maad isiisqaan” markaasay yiraahdeen “ma haysano” markaasu yiri ” Xooga har haraa ahna maa isiisaan” markaasay yiraahdeen “ma awoodi karno” Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri “Hadaba galaas biyo ah isiiya” Hase ahaate waxay ku yiraahdeen ” biyo nooma yaalan ” Kolkaasu ku yiri “ waa maxay meesha aad fadhidaan ,ina mariya aan wada tuugsanee ileen idinkaa iga mudan in la tuugsadee”.
2:JUXA IYO MEYD
Juxa oo si aad ah dhimashada u neceb ayaa maalin la soo hor mariyaya meyd naxash lagu wado ,markaasaa la waydiiyay ” juxaw marka meydka naxashka lagu wado dhankee wanaagsan inaad ka socoto , hor mise gadaal mise hareeraha ?” juxe wuxuu si degen u yiri ” Meeshaad doonto ka soco , waxaa ugu muhiimsan inaadan noqonin kan naxashka lagu wado”.
3:JUX IYO NIN XAMAALI AH.
Juxa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo aaday suuqa si uu u soo iibsado kiish bur ah, markuu iibsaday kiishkii burka ahaa ayaa wuxuu u yeertay xamaali si uu ugu geeyo gurigiisa . Juxa markay isi sii raaceen ninkii xamaaliga ahaa, ayaa waxay soo dhex-mareen meel suuq ah oo ay dadku aad ugu badan yihiin , Muddo ka dib juxa iyo ninkii xamaaliga ahaa ee waday kiishka burka ah ayaa ku kala lumay suuqa dhexdiisi, inkastoo uu juxa si aad ah u raadiyay ninkii xamaaliga ahaa, haddana markii danbe wuu ka quustay inuu arko wuxuuna iska aaday gurigiisi.
Maalmo ka dib juxa wuxuu arkay ninkii xamaaliga ahaa, hase ahaate juxa wuu ka dhuuntay xamaaligii . Qaar ka mid ah asxaabtii juxa ayaa su,aalay sababta uu juxa uga dhuuntay ninka xamaaliga ahaa oo kiishkaagi burka ahaa la maqan, hase ahaate juxa ayaa ku jawaabay ” waxaan ka baqayaa inuu i waydiisto lacagtii xamaaliga”.
4:MAY KAAS BADALAAN.
Nin xoolo dhaqato ah oo magaalada u yimid inuu ka dhamaysto dano uu laahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah u daawasho tagay ciyaar dhex maraysa laba kooxood, ciyaartaas oo ahayd mid aad iyo aad u adago ninkii reer miiga ahaa wuxuu arkay ciyaarahan isaga ula muuqda inuu si wanaagsan u cayaarayo oo la bedelayo garoonkana ka sii baxaya markaasaa ninkii reer miiga ahaa intuu dhiniiciisa midig eegay ayuu ku yiri nin ag fadhiyay ” Inta ay ciyaaryahankaas beddelayaan may kan dharka madmadaw sita badalaan, oo aan isagu marnaba taaban banooniga halka ay ka badalayaan caayaartoogaas “!! wuxuuna kan dharka madmadaw ula jeeda garsooraha cayaarta .
5:KEE BAA UGU CAAJIS BADAN
Saddex nin ayaa ku murantay in midkoodba midka kale ka caajis badan yahay, Dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala bixiyo loona soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.
_Mid ayaa yiri : Anigu waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday ,dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco dushiisana ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ku dhacday dhinaca kale.
_Midkii labaad ayaa isna yiri: waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa aan ka bakhtin gaaro!
_Midkii´sadexaad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya , markaasu gacanta meegaartay (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan hadli karin caajisnimo darteed.
Wariye; Said Nour Farah
Pakistan, Islamabad
Telphone:+923215054247
You must be logged in to post a comment Login