Umada Soomaaliyeed kolkee dagaalkii sokeeye dalka Soomaaliya ka qarxay, Soomaalidu waxay usoo kala qaxeen dalalkii dariska la ahaa Wadanka Soomaalia iyagoo halkaasi ay ka doonayeen sida ay uga sii gudbi lahayeen dalalka shisheeye si ay ugu helaan nolol horumar leh .
Dhalinyarada soo gaadhay dalalka deriska ah sida Kenya,Ethiopia iyo Yemen ee ahaa dhoof suge ayaa inta ay sugayeen dhoofka ayaa waxay noqdeen kuwa dalka ay ku sugan yihin fahmay oo shaqooyin ka abuuray, halka kuwa kalena ay noqdeen kuwa biil dibada uun looga soo diro .
Kolba hadii ninku shilin soo galo gurina haysto waxuu ku fekira waxaa weeye siduu reer u samaysan lahaa , isaguna uu markaasi u bilaabi lahaa siduu u daydayan lahaa qofkuu nolol la wadaagi lahaa.
Ragu markay bilaaban inay uu is yiraahdo alleyle tanaa ah mida aad nolosha la qaybsan doontid uuna is yiraahdo xiriir dhab ah la samee, ayuu waxuu kala kulmaa caqabado badan . caqabadaas oo ay noqotay caadi markaad dhalinta Nairobi wareesatid Caqabada hor taagan guurka dhalin yarta Nairobi , caqabadaas oo kale ah
Hadaba halkaas markay marayso ayuu ninkii isagoo cidina eryin ayuu iska gaabsan waxuuna noqon nin sanadkii ama dhoorkii bil la maqlo , waxuu durbadiiba bilaabi inuu la bilaabo hasaawe tu kale, balse waxay sheekadu ku bilaabataa horta aynu wada socono oo isma aynu naqaano .
Waxuu ninku habeen weliba isa soo giijiyaa uu soo qaataba dharkiisa ugu qurxoon oo uu isku soo muujiyaa nin habeen weliba meel ka casuman, oo imbadan noqdaa mid isa soo fiirshay imbadana laga yaabo inuu la kulmo caqabado gurigii lagu balanshay , oo ah mid buuxa oo marti badan ay joogto, laakinse aanan loo sii sheegin .
waxaa markaasi dhacda in ay tiraahdo gabadhu ina fadhiisi balakoonka si aynu halkaasi leerta u sii qaadano aynu halkaasi ku sii wada sheekaysano , balse ragu ma ay jecla fadhiisadka balakoonka oo waxay u arkaan inay u tahay Sharaf dhac iyo liiditaan loo geysanayo, laakin maadama arimihii uu ku tanashanayay oo idil is bedaleen waxuu noqdaa midi ska ogoladaa , isagoo oranayo qoftani waad isku cusubtihiin durba qilaafka ka ilaali ,
Fadhiisadka balkoonk ayaa waxuu noqda mid ayba ragu dhib ku tahay madama guryaha ka hooseeyo waxii joogaan ay noqonayaan kuwa xaaladiisa la socda oo ayba dhacdo in arintooda qaaska ah ay soo dhex galaan gacan sedexaad , ayna keento inay iyagu markaasi laga faa’idaysto jacaylkooda curdunka ah , caqabadaha oo kale oo uu leeyahay ayaa ah qabow ay ragu ka qaadan ka dib markii ay imbadan halkaasi fadhiyaan.
Waa tii gabadhu hadal hayskeeda uu ahaa bal horta aynu is barano oo aynu wada socono aynu wada jilno Imtixaanka Hasaawaha , waxuu ninku faruurada qabsada. waxuu tabar iyo maal uu hayay iskugu geeya siduu qoftaasi mar uun u hanan lahaa .
Iyaduna waxay bilawdaa inay marba marka ka sii dambaysa aysan isagu qudhiisa aysan ku ekaan ay dhinaca kale ay ka wado rag kale oo ay isleedahay armay ku dhaamaan kan aad hada wadid , hadal heeskeeduna uu yahay waan ogahay hebel inuu baari yahay, waan ogahay hebel inuu yahay nin balanta ku fiican, waan ogahay hebel inuu yahay nin daacad ah, laakiin waxbaan tabayaa………
Ninka intaas oo amaan ah loo tiriyay isna yahay mid Jacayl dhab u hayo, ayaa noqda mid gabadha imbadan u soo jeedsha inay is guursadaan oo reer ay wada sameestaan , balse su’aasha ugu horeysa uu la kulmayo ayaa ah wallaalow adeer/eedo/hooyo/aabe / ayaan ka dhoorin Responser marka gabadhii waa guursatay hadii la ii yiraahdo waala ii deerin ee inooga dhig sanadkaan dhamaadkiisa, hadii aan wax waayo weynu is guursan waa balan.
Xiligii balantu markay soo dhawaato buu isna bilaabin inuu wacdo eheladiisa iyo asxaabtiisa kuwa uu wax ku tuhmayo inay kala qayb qaadan karaan , waaxuu wax soo jafjafto , mise gabadhii balan kale oo sanadka dambe iyo arimo siday wax isku badaleen bay u sheegin.
Wiilku waxaa wax lagu soo siiyay inuu guursanayo , dhanka reerkiisa iyo asxaabtiisa waxaa laga sugayay in uu guursanayo balse noqonse weyday waxuu bilaaba inuu la hadlo ehelkii iyo asxaabtiisa kala qayb qaadatay guurkiisa siduu u dhici lahaa, si kale isagoo anan sifican wax u soo carabaabeyn balse in caqabado kale ay la soo darseen oo u sharaxayo.
Xiriirkii waa sii dheeraaday Xarga fure baa yimid oo ka soo dhacay qurbaha waana ninka xiliyada uusan saaxiibkeeda Nairobi uusan la joogin dhinca ay ka waday isagoo ah nin markaasi ka weyn kii ay wada socdeen .
Ninki shan sano iyo kabadan xiriirka la soo waday baa habeenka dambe loo yiri si loogu qanciyo arimo ay markaasi ay iyadu ku doonayso inay xiriirkiisa ku jarto,balse iyadu waxay isku qarinaysa aysan dhab ka ahayn , iyadoo ku bilaabaysa oohin iyo hadal ay markaasi ga’galeynayso.
Inankii wax jelcaa ayaa durba bilaabay macaanto sidee wax u jiraan bal ii sheeg , iyaduna waxay ku jawaabin macaane waxaa ila soo hadlay Aabe iyo wallaalo waxay ii sheegeen nin in uu i soo doontay ninkaas oo la siiyay, iyadu laakinse ay isku dayday inay diido , laakin waalidki yiri Aabe duco iyo habaar mid qaado ay markii dambe ducada dooratay laakinse waxaan sameeyo garan maayo ayay ku jawaabtay.
Inankii wax jeclaa baa hadal oranayaa wallaaleey jaceylka 10sano jirsan rabo ma sidaan buu haatan ku dhamaanayaa bal adigu go’aan soo gaar. Waxuu caro iyo isla hadalba ku jiro waxuu go’aansan inuu iyadu ay isa soo badeli doonto ayna qiimayn doonto jacaylkii macaane ee dhax maray iyo kalsoonidii badneyd uu siiyay inay wax ku qiimayn doonto.
Waxuu sugaba isagoo caro sariirta la jiifo ayuu ka war helin Tellephonkeeda soo dhacay markuu qabto ayay ku tiri wallaal arinkii reerkoo idil baa wata aniguna reerka iyo adigu waxaan go’aansaday inaan adigu ku jaro , laakin macaanahaygii hore maka soo qayb geli karta xafladeyda lagu dhigi doono Hotel hebel .
Yaah! Maka soo qayb geli buu hadal ku bilaabay inankii wax jeclaa, wallaaaley halaaggaas ma noqon doono mid goob joog aan u ahay , inankii wax jeclaa ayaa durba bilaabay inuu noqdo mid isla hadlaa , waxuuna noqday mid ay ka soo go’i weysay ama u cuntami weyso hadalki heblaayadii uu ifka u jeclaa ka soo yeeray . balse isagoo yaaban baa tellphonkii lagu sii damiyay
Isagii waxuu noqday inan mararadii uu ku jiifan jiray inuusan iska dulqaadin asbuuc halka saaxibadiis ay ka yiraahdeen hebel maxaa ku helay ayaantaan, jawabtiisa ay noqoto waan iska caajisanahay ayaantaan laakin noqday nin uur ku taalo haysato .
Markii magaalada u soo baxo ayuu la kulmay inankii wax jeclaa asxaabtiisa Su’aasha uu ugu neceb badan yahay in la xasuusiyo ayay la soo boodeen heblaayo waa la aroosaya maad la socota iyo heblaayo qof xun weeye anan balan iyo axdi aqoonin , inankii wax jeclaa hadal waxuu ku soo koobay waa xaajo dumar .
Waxay ku taagnaataba arinku waxuu noqdaa nin go’doonsan oo dadka gooni uga socday balse is yiraahdo labadii meel wada taagan oo isaga iyo hableeyo isku yaqiineen inay iyagu ka sheekaysanayaan .
Heblaayo markii ay weydiiyaan asxaabteeda ay yiraahdeen naa heblaayo maxaa ku helay oo hebel uga doorsatay hebel waxay noqotay mid ku jawaabtaa Hasaawaha saaaxiib joogta malahan ee dan joogta ayuu leeyahay .
La soco qaybta Hasaawaha Hagar la’aanta qurbaha .
You must be logged in to post a comment Login