Boosaaso Apr 17,2012 – Maxkamad ku taala Magaalo xeebeeda Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland ayaa xukun adag ku riday nin lagu helay inuu carruur yaryar si sharci daro ah uga dhoofinayey halkaasi.
Maxkamada ayaa 12 sanadood oo xadhig ah ku riday ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cumar Liibaan, kaasi oo la qabtay isaga oo ururiyey 9 carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 jir hablo u badan, kuwaasi oo la sheegay inuu doonayey inuu geeyo dalka Yemen.Ninkan oo hadda ku xidhan Magaaladda Boosaaso ayaa maxkamadu sheegtay inuu si aan sharci ahayn carruurtaasi meelo kala duwan uga soo xaday isla-markaana uu doonayey inuu dooni ka saaro Magaaladda Boosaaso si uu ugu iib geeyo dalka Yemen oo uu ka dilaacay suuq dhalaanka lagu kala iibsado.
Carruurtan ninka la xukumay lagu qabtay oo sagaal ah isla-markaana 8 ka mid ahi hablo yihiin ayaa Guddoomiyaha maxkamada xukunka ku riday Sheekh Aadan Aw Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay ninkaasi xukumeen ay carruurtaasi ku wareejiyeen urur Maxali ah oo lagu magacaabo Tadamun si ay ururkaasi u hayo inta qoysaskii laga soo xaday la helayo.
Saraakiisha amaanka Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya inay dadwaynaha ku wacyi-galiyeen inay ka feejignaadaan dadka carruurta xadaya isla-markaana dadku ay hadda ka digtoon yihiin tuugada dhalaanta Soomaliyeed.
Maaha markii ugu horeysay ee carruur la xaday la qabto, balse waxa Magaalooyinka Soomaliya iyo Somaliland-ba maalin kasta lagu waayaa carruur faro badan, kuwaasi oo qaarkood dhowr sanadood ka dib la helo amaba la waayo
You must be logged in to post a comment Login