Fernando Torres ayaa qasaariyay labo fursadood oo qaali ah kuwaasoo ay kaga badin lahaayeen Italy taasoo 1-1 bareejo ah la gashay Spain, ciyaartii ka dhacday garoonka PGE Arena ee magaalada Gdansk.
Italian forward Antonio Di Natale (L) scores past Spanish goalkeeper Iker Casillas during the Euro 2012 championships football match Spain vs Italy on June 10, 2012 at the Gdansk Arena. AFPPHOTO/ PATRIK STOLLARZPATRIK STOLLARZ/AFP/GettyImages
Antonio Di Natale oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa hogaanka u dhiibay Italy daqiiqadii 61d, laakiin 3 daqiiqo kadib waxaa goolkaasi Spain ka soo guday Cesc Fabregas, hayeeshee waxaa niyad jab ku riday Spain, Torres kaasoo 2 fursadood oo qaali ah ka qasaariyay.
GDANSK, POLAND – JUNE 10: Cesc Fabregas of Spain scores their first goal during the UEFA EURO 2012 group C match between Spain and Italy at The Municipal Stadium on June 10, 2012 in Gdansk, Poland. (Photo by Alex Grimm/Getty Images)
Spain waxey dooneysaa in ay ku guuleysato markii labaad oo isku xiga koobkaan maadaama aysan jirin xul kale oo horey record-kaasi u dhigay.
Spain ciyaarta inta badan iyada ayaa maamuleysay halka Italy ay taasi jawaab kaga dhigtay qaab halis ah oo counterattack ah.
You must be logged in to post a comment Login