Bangiga caalamiga ah ee EQUITY BANK oo laan cusub manta ka furtay xeryaha dhadhaab

Filed under: Arimaha Bulshada,News in Somali |

 

 

 

 

 

 

 

Bangiga caalamiga ah  ee EQUITY BANK oo laan cusub manta ka furtay xeryaha dhadhaab gaar ahaan xerada Qaxootiga ee Xagardheer oo kamid ah Xeryahaasi.

Munaasabad xariga looga jarayay laan cusub ee uu bangiga caalamiga ah ee Equity Bank ku yeelanayo xeryaha dhadhaab gaar ahaan xerada qaxootiga ee xagardheer ayaa waxa ay ka dhacday gudaha xeradaasi taa oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socday qaybo kala gidasan  sida dowlada Kenya  iyo bulshada inteeda kale.

Goobta ay munaasabada ka dhacaysay oo ay qudbado kala duwan kasoo jeediyeen dadkii halkaasi kasoo qabgalay ayaa waxa ay dhamaantoodba hoosta ka xariiqeen in ay taalabadaani tahay mid aad u wanaagsan oo horumar leh misna lagu faani karo loona baahanyahay in bulashada keenyaanka ah iyo kuwa qaxootigaba ay faa’idaystaan fursadaani qaaliga ah  ee uu keenay bangiga caaalamiga ah ee EQUITY BANK.

Maamulka laanta EQUITY BANK Mudane Abdirashid iyo Mudane Raphael Ngera ee xerada qaxootiga ee xagardheer  oo kahadlay  goobtaasi ayaa waxa ey sheegeen in ay farxad wayn u tahay in ay manta furaan laan cusub oo uu leehay bangigaani islamarkaani uu yahay bangigii ugu horeeyay ee xeryaha laga furo kuna hami wayn  yihiin in ay gaarsiiyaan todobaadyada soo socda guud ahaanba xeryahani dhadhaab.

Dhanka Kale Bulshada Madasha ka hadlay ayaa waxa ey carabka kudhufteen in eey tahay tilaabo wanaagsan una keeni karta dadka keenyaanka ah iyo kuwa qaxootiga xeryaha kujira isdhexgal iyo sinaan wayo waxa u bengiga diyaar u yaha in uu qofwaliba oo kenyaan ah ama qaxooti ah akoon lacagtiisa ku keedsado ufiri doono.

Sikastaba ha’aahtee bangigaani caalamiga ah ee EQUITY BANK ayaa waxa uu yahay bangii ugu horeeyay ee laan uu adeegyo ku bixinayo ka furtay mid kamid ah xeryaha dhadhaab waxaana dadka qaxootiga ah ay yihiin dhamaantoodba kuwo si wayn usoo dhaweeyay talaabadaani uu qaaday EQUITY Bank.

Maslax Abuukar  Xaaji  (Daacad)

WWW.DadaabCamps.com

 

dadabcamps@gmail.com

Xafiiska Xeryaha Dhadhaab

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login