Qaban Qaabada xuska maalmaha 26ka June iyo 1da Luulyo ayaa waxa ay siwayn uga socotaa guud ahaanba xeryaha dhadhaab.

Filed under: Arimaha Bulshada,News in Somali |


Waxaa siwyan looga dareemayaa xeryahaani dhadhaab dhaq dhaqaaqa xuska maalmaha qadiimiga ah ee kala ah 26ka june  iyo waliba 1da luulyo xiliyadaa oo ku kala astaysan maalintii ay xuriyada qaateen gobolada Koonfur,Waqooyi iyo waliba xiligii ay midoobeen labadaasi gobol oo ay kala gumaysanjireen gumaysteyaashii Talyaaniga iyo ingariiska.

Xeryahaani dhadhaab oo  20kii sano ee ugu dambeeysay aan abid laga xusin maalmahaan aadka ugu wayn umada soomaaliyeed ayaa waxaa sanadkaani ay umuuqdaan bulshada soomaaliyeed ee xeryahaani qaxootiga ku ah kuwo si aad ah ugu diyaar garooway xusida maal mahaasi.

Dhalinyarada ku dhaqan xeryaha IFO, XAGARDHEER, iyo DHAGAXLEY oo kulan kuyeeshay mid kamid ah xeryahaani dhadhaab ayaa waxa ay isla meel dhigeenin ay ka go’antahay in munaasbado waa wayn ay ka sameeyaan guud ahaanba xeryaha dhadhaab taa oo ay ku muujinayaan in ay wali jiraan soomaalida qaxootiga ah ee ku jira xeryaha dhadhaab in ay  yihiin kuwo u heelan wadani nimo maankana ku haya mar uun in ay soomaalia israacdo.

Cabdi salaad waxa uu kamid yahya dhalinyarada ku dhaqan xeryaha dhadhaab gaar ahaan xerada qaxootiga ee dhagaxley waxaana mar uu u waramayay shabkada websitkaani dadaabcams.com uu u sheegay in ay dhalinyarada ku dhaqan xeryaha dhadhaab ay qorsheeyeen in ay munaasabado waa wayn ay kasameeyaan xeryahaani dhadhaab kuwaa oo loogu dabaaldagi doono maalmaha Taariikhiga ah ee 26ka june iyo 1da luulyo waxaana uu intaasi ku daray in ay ku bixin doonto qabsoomida xalfadahaasi inkabada 350 oo shilinka Kenya taa ooay badankeed iska soo uruuriyeen qaybaha kala duwan ee bulshada haba ugu horeeyeenee ganacsatada ku ganacsata gudaha xeryaha.

Cabdi salaad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay taageerada ugu badan ka haystaan dhalinta xeryaha ku dhaqan safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanakaani Kenya ambaasadoor Maxamed Cali Amaarica kaa oo u sheegay dhalinta in aysan marna niyada iska gelin niyada jab iyo qaxooti ayaa tihiin isla markaan ay qabsadaan munaasabadaha noocaani oo kale ah .

2badii todobaad ee ugu dambeeyay ayaa waxaa shacabka qaxootiga ah ay isla dhex marayeen qabsoomida munaasabadahaasi qaaliga ah  oo an abid lagu qaban xeryaha dhadhaab waxaase bulshada badankeed ay wal wal ka muujinyaan amni xumada xeryaha ka taagan oo kor u sii kacaysa maalinba maalinta ka dambeeysa taa oo ay suuro gal tahay in ay saameen ku yeelato goobaha munaasabadaha ay ka dhacayaan.

Maslax Abuukar Xaaji (Daacad)

www.DadaabCamps.com

Xafiiska Xeryaha Dhadhaab.

 

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login