Maxkamadaha wadanka sacuudi carabiya oo go’aan aan caadi aheyn ka qaatay raga caba sigaarka………….

Filed under: DIINI,News in Somali |

Maxkamadaha Dalka Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay dhowr bil ka hor inay kala furaan lamaanayaasha is Qaba ee kuwada nool Guriga haddii uu ninka caba Sigaarka uu leeyahay xaas Xaaskiisana ay soo Dacweyso oo ay dhibsato cabida Sigaarka

Qaadi sare oo ka tirsan Maxkamada sare ee Dalka Sacuudiga laguna magacaabo Dr.Ibrahim Al-Khadiiri Ayaa u sheegay Wargeyska {الوطن} in ninka Sigaarka caba haddii ay dhibsato Xaaskiisa ay Maxkamadu si Toos ah uga fureyso isagoona intaa ku daray in haddii ay Xaasku raali ka tahay inuu cabo ninkeeda Sigaar Aanay soo farro galin-doonin Maxkamada

Sidoo kale Dr. Ibraahim Al-Khadiiri ayaa sheegay in ninka Sigaarka caba laga furi doono Xaaskiisa haddii Ay ka soo cabato dhibaatooyin dhinaca Caafimaadka ah owgeed oo tusaale ahaana ay ka cabato arimo Xasaasiyad xun ah sida Xanuun laabta ka haya iyo Cuduro kale

Dr. Ibrahim Al-Khadiiri ayaa soo daliishaday diinta Islaamka oo uu sheegay in guud ahaan haddii ay Xaasku sheegto in aanay dooneyn inay la noolaato nin Sigaar cab ah in aanay taasi ceeb ku aheyn Sharciga Islaamka isla-markaana Maxkamadu warqadeeda Furitaanka ah uga qaadi doonto

Hayeeshee Maxkamadaha Dalka Sacuudiga oo idil ay dhageysanayaan qadiyadaha la xariira Dumarka ama Xaasaka ka cabanaya Raggooda Sigaarka caba iyadoona si adag loo xallin doono arimaha ku saabsan Ragga Sigaarka caba oo si qasab ah lagaga furi doono Xaasaskooda haddii ay iyadu dalbato tallaabadan Furiinka ah

Isku soowada duub Dr.Ibrahim Al-Khadiiri ayaa intaa ku daray in haddii xaasku ay la nooleyd nin sigaarka Caba muddo dhan 20 sanadood inaan laga yeeli doonin in laga furo ninkeeda haddii ay iyadu dalbato Sababtoo ah waxa uu xusay inay la qabsatay sigaarkiisa iyo qiiqiisa oo ay la joogtay mudo 20 sanadood Ah horena aanay u dalban in laga furo ninkeeda

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login