Waxaa sii kordhaya Qasaarihii kadhashay dab xalato fiidkii ka kacay suuqa way nee xerada qaxootiga ee dhagaxleey.

Filed under: News in Somali |

Waxaa isa soo taraya Qasaarihii ka dhashay  dab xalay ka kacay Suuqa wayn ee xerada Qaxootiga ee Dhagaxleey kaa oo dadka ku ganacsatada suuqaasi ay tan iyo xalayto la daalaa dhacayeen baqtiijinta dabkaasi baaxada waynaa waxaana dabka uu soo gaaray ilaa iyo saakato mana aysan jirin haba yareetee cid gacan ka gaysatay in uu dabkaasi si dhaqsi ah u damo marka laga reebo shacabka xeradaasi oo dadaalayay.

Qaarbadan oo katirsan dadka ku sugnaa hareeha suuqaasi ayaa xalayto isaga baxay guryahooda kadib markii ay baqdin wayn ka muujiyeen in uu saamayn ku yeesho dabkaasi waxaase xusid mudan in dabka uu gaaray qaybo katirsan xaafadaha xeradaasi kuyaala.

Mar’aan booqanay suuqa uu dabka bur buriyay ayaa waxa ay I dhahaygu qabanyeen Olol is qabsanday guud ahaanba mehradihii suuqaasi kuyaala waxaana dadka ay ahaayeen kuwo kumashquulsanaa sidii ay wax uun usoo badbaadinlahaayeen hase ahaatee taasi ayaanan noqon mid si buuxda u suuro gashay.

Dabka ayaa lagu waramay in uu ku bilaawday koronto ka qaraxday gudaha suuqaasi waxaana haatan dad badan oo shalayto haystay hantiyo kala duwan ay ahaayeen manta kuwo gacan maran waxaana dhamaanba dadkii musiibadaasi ku waayay hantidooda ay ka dhawaajiyeen in in ay u baahanyihiin kaalmo ay allah ka sukoow kahelaan umada islaamka.

Maslax Abuukar Xaaji (Daacad)

maslaxdaacad@gmail.com

Xafiiska Xeryaha Dhadhaab

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login