GUURDONOW

Filed under: Arimaha Bulshada,DIINI,Jaceylka iyo Dhalinta Manta |

*FASHILKA KU YIMAADA GUURKA*

mahad oo dhan Alle ayaa iska leh ee naga yeelay mujtamac muslimiin
naxariis iyo nabad gelyo Allaha yeelo nabi muhamed dushiisa, eheladiisa
iyo dhamaan inta wanaaga ku raacda kadib waxaan dhamaan umada somaliyeed
leeyahay RAMADAAN KARIIM
kadib waxaan halkaan jeclahay inaan halkan  ku qadaa dhigo qodob inta badan
bulshada somaliyeed saameyn weyn ku leh in badana soo noqnoqday waxbadana
laga hadlay walina u baahan in la helo macluumaad dheeraad ah si looga
fogaado dibindaabyada iyo burburka ku yimaada qoys dhisan
. waxaan jeclahay inaan wax yar ka tilmaamo wax keena furiinka anigoo ku
soo koobi doona qodobada ugu waaweyn inkastoo ay jiraan kuwa fara badan ay
tahayna in laga feejignaado. qormada waxaa ay ka mid tahay qormoyin badan
oo aan ku iftiimin doono arrimaha bulshada
.inta aanan guda galin qormada waxaan qalinka saarayaa faaidooyinka
guurka iyo xikmadii laga lahaa in la jideeyo.
guurku waa shey rabbi subxaanuhu wataacaalaa u jideeyay umada islaamka
dabcan si loo helo degenasho bulshada dhexdeeda ah, iney soo baxaan qowm
Alle ka cabsada ee caabudo iyo in la badiyo umada islaamka ah si
beri(qiyaamaha) loo helo umado badan oo rasulkeena muhamed (scw) ku faano
sida ku cad nasuus iyo axaadith soo aroortay

*FAA’IDOOYINKA GUURKA*
*
*
*waxaan jeclahay inaan halkaan ka shego faaidoyinka guurka kadibna aan guda
galno wax keena fashilka.*
*
*
1- raali ahaansho aad ka raadiso Allah sida uu kuu adoonsaday kuuna
jideeyay guurka adigoo radinaaya/qaasanaya awaamirta      Alle si aad ugu
dhawaato.
2- in aad adeecdo/amarkiisa qaadato rasuulkii Alle hadalkisa ahaa
(dhalinyaroy ha guursada ninkii awoodo)
3- inaad raadiso ubad xalaal ah baari ah kaana hara si faracaada u go’in
una badsio umada islaamka ah.
4- inaad ku doontid shafeeca maalinta xaajada xuntahay marka uuu kaa
saqiiro cunug.
5- inuu guurka kuu noqda dhufeys iyo meel aad ka gasho sheydaanka si
uusan kuugu tuurin danbi ah inad zineysato.
6-qalbigaaga oo ku daga laabtana ku qabowda.
7- daganaan dheeraad ah iyo masuuliyad.
8- howshii  guriga oo hogaankeeda kaa waregta tusaale markii aad doobka
aheyd waxaa suura gal aheyd inaad karsato cuntada, dhaqato dharka iyo
waxyaabo kaloo badan
9- Nafta oo aad ulayliso masuuliyad*.*
intas waxaan ku soo gaabinaayaa faaidooyinka guurka si loo helo dad ku
dhiirada iney guursadaan kana fogaada fashilka guurka ee aan maqaalkan kaga
hadli doono.

hadaba mar haddii aan isla garanay faa’idooyinka guurka waxaan jeclahay
inaan wax ka bidhaamiyo fashilka ku yimaada guurka si loo helo bulsho
caafimaad qabta oo xalaal ah.

*1- ujeedo gurracan (indirect objective)* tani waxey ka mid tahay wax
yaalaha keena inuu guurka fashilmo maxaa yeelay  waxaaba suura gal in
labada isguursaneysa aynan isku ujeeda aheyn mid waliba wato dan gaar hadii
la waayana uu sidaasi ku fashilmaaya guurka, dano sida buufis, lacag iyo in
labada ruux midkood uusan rabin ubad.

*2-dabeecada oo is diida. *tani waxey ka mid tahay waxyaala keena in guurka
fashilmo maxaa yeelay waayihii xodxodashada iyo shukaansiga qof waliba wax
uu ku dadaalaayey inuu qofka kale ka qariyo dhamaan ceebaha,dabeecada iyo
waliba dhaqamadiisa xun, kadib markii guri leysugu yimaadana ruux waliba uu
la soo baxo dabeecadiisii asalka aheyd (nutural charcter)sida somalida
tiraadana *(laafiya aan loo dhalan lix saac kulama gaarta) * una micno eg
dabeeca aan looo dhalan lix saac kulama gaarto sidaana ku yimaada isfaham
darro sabab u noqda fashil ku yimaada guurka.

*3- dhaqaalo xumo soo wajahda qoyska  iyo sabir darro *tani waxey qeyb weyn
ka qaadata fashilka ku yimaada guurka sida marar badan la arko
waxaa dhacda mar mar inuu hoos u dhac ku yimaada dhaqaalahii reerka sidaana
ku yimaada fashil.
4- *kalsoonidii oo lunta *tani waxey udub dhexaad y tahay fashilka inta
badan hareeya guurka waana marka lakala aamin baxo gabdhana tiraahdo kani
waxbuu hoosta ka wadaa ninkuna yiraahdo tani balaayo ayeey hoosta ka wadaa
sidaana ku burburo qoyskii loo yagleelay mustaqbal.

*5- guurka qasabka ah *tanina waxaa ay tahay mashaqada maanta heysato
guurka, sidiisaba guurka waxaa loo jideeyay in lagu nasto lagu dago waxaana
wanaagsan dadka nasanaaya ama degaayo waa iney is doortaan, isku qancaan
leysuna ogolaado laakiin dhaqan hada ku sii yaraanaya bulshadeena ayaa
wuxuu ahaa in lagu qasbo inanta nin aysan rabin sidaasna ku yimaado guurka
fashilkiisa

*6- howshii sariirta oo laqaban waayo. *tani waxey si toos u keentaa fashil
maxaa yeelay guurka faaidoyinkiisa  waxaa ka mid ah in leyska dejiyo
shahwada si qalbiga u dago loona helo raaxo laakiin mar haddii howshii
lagudan waayo waxaa imaanaayo burbur baahsan reerkiina sidaa ku fashilmo
abwaan horaa laga sheegay ( wax kalaa lagaa caawiyaa cidi ku siisaaye
cimrigaa ba’a waa qoorahoo caajis kaa galo)

*7- maseer micno darra ah. *tani waxa ay ka mid tahay kuwa ugu firfircoon
ee qadka ka saara hablo badan, maseerka sidiisaba waxaa shey ku abuuran
qaluubta bini’aadamka lana rabo in la xakameyo una baahan in leyska
ilaaliyo mar hadduu qeyb weyn ka qaato burburka qoyska waxaana wanaagsan in
gabadha xakameysa maseerka micna darrada ah sida iney meel cidla ah ka
maseerto ama ka hortimaado ninkeeda isagoo oo awood u leh inuu guursan karo
inta Rabi u jideeyay, ragana waxaa u wanaagsan iney iska ilaaliyaan wax
keenaya fashilka guurka oo aysan sameyn kana talinin dhibaato gabadhu
guriga ugu tagto uuna kala tashado xaaskiisa haddii uu sameynaayo ama uu
guursanaaya xaas kale.

*8- ixtiraam darro* tani waxey ka mid tahay waxyaabaha keena burburka
qoyska maxaa yeelay ninka iyo inanta waxaa laga doonaayaa iney is
ixtiraamaan midba midka kalena ixtiraamo leyskabna ilaaliyo xadgudubyada
keeni kara inuu fashil yimaado gurigiina burburo.

*9- waalidiinta oo aan la qadarinin*. inta badan waxaa dhacda in labada
ruux ee is qaba tixgalin siin waayaan waalidkii dhalay ninkana uusan
qadarinin xaskiisa waalidkeeda gabadhuna aysanba arki karin ninka qabo
waalidkiis sidaana ku burburo qoyskii loo sameeyay in guul lagu gaaro.

*10- kala fogaansho * sida ay in badan ku warameen quburo ku xeeldheer
arrimaha qoyska burburka qoyska waxaa saameyn weyn ku leh kala
fogaanshiyaha sida somalidu tiraahdo (ood kaa dheer dhexan kaama celiso )
waxaa dhacda inuu fashil  ku yimaada guurka marka ay dhacdo in lakala
fogaado oo gabadhuna ku nooshahay wadan wiilkana wadan kale.
* *
*11- kala danbeyn la’aan* tani waxey qadka ka saartaa dumarka inta badan
diida aamirta raga siiyaan sidasna ku yimaado fashilkii laga digaaye
qoyskiina burburo.

*12- dilid joogta*  sida caadada u ah rag qaar waxaa ay sameeyaan iney
dilaan gabadha gaarsiiyaan nabaro keeni kara iney gabadha guriga isaga
cararto dib danbana u soo laabanin. guurkiina sidaa ku fashilmo.
*
*
*13- masuuliyada oo la dayaco*  tani waxey ka mid tahay waxyaabaha mudan in
laga feejignaado si guurka u najaxo maxaa yeelay masuuliyada waa shey
muhiim ah waxaana laga rabaa raga iney wajahaan masuuliyada ka saaran
qoyska, gabadha iyo ubadka waana waajib saaran oo muqadas ah rabbina kula
xisaabtami doona maalinta qiyaamaha.

*14- daryeel xumo*. tani waa mida ugu danbeysa uguna xasaasi san daryeel
xumada waxaa ay ka mid  tahay waxyaalaha burbur ku keena qoys dhisan maxaa
yeelay inanta iyo ubadkeeda haddii aysan daryeelka ka heysanin aabahii
reerka waxaa dhacda fashil sidaa lagu kal yaaco.

waxaan jeclahay iney jiraaan caqabado badan iyo fashil badan ku yimaado
guurka laakiin kuwaan ayaa ah kuwa ugu waaweyn lagana digaayo si bulshada u
gaarto heer iyo mustaqbal.

waa qalinkii Ahmed sandheere

south africa  Eastern cape Port Elibeth tell  +27739452167 ama Email
adress:  ahmedsandheere@gmail.com

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login