Jaceylka Dhabta Ah Ma Dhamaado Waligiis Waa Jirayaa, Qiso Jaceyl Oo Xanuun Badan Q-1aad

Filed under: Arimaha Bulshada,Jaceylka iyo Dhalinta Manta,Sheekooyin |

Waa qiso jaceyl oo ay sameeyeen nafta u huray sidii jaceylkooda u guuleysan lahaa , waa ay saameeyeen waa ay u dagaalameen sidii jaceylkooda u jiri lahaa , waa kan jaceylkooda aan isaga oo kale xiliyadaan la arag .

Waxa uu u jecel yahay xad ka bax iyana jaceylkiisa ayay la dhiman rabtaa waxa ay noqdeen laba naf oo hal jir kuwada jira , ma jirto cid kala geyn karta jaceylkooda waxa uu noqday mid lagu maah-maahdo , waxa ayna is hor istaageen ehelkooda ee doonanay in ay is hortaagaan jaceylkooda.

Dhab ahaantii waa ay guursadeen , waxa ay qaataan bishii malabka iyo maalmaihii ugu macaanaa noloshooda , waxaana guurooda ka so wareegay bil ,laba bil , sedex ilaa iyo sanadkii ay ka dhameysteen wax aayna sanadkaas ku noolaayeen riyo midda ugu macaan .

Alla waalidka qaarkii dhib badanaa oo yaraa aqoontooda ku aadan dhanka qadarta Alle haatan ayuu bilaababayaa cadawga jaceylka in ay soo garaacaan gurbaanka xaasidnimada .

Maalin maalamaha ka mid ah waxa uu ku soo toosay Maahir taleefanka guriga oo soo dhacaya xilli markii uu qaadayna waa kan cod dheer oo uu ka muuqdo xanaaq waana hooyadii waxaana dhex maray sheekadaan .

Waa tan hooyadii oo ka dhex qaylineysa telka waxa uu isku dayay in uu iska indho diro qayladeeda waxa uuna ku yiri subax wanaagsan hooyo ,hooyadii ayaa si kulul ugu jawaabtay waa tee subaxa aad ka hadleyso waa 11-duhurnimo markaas ayaad igu leedahay subax wanaagsan waxa uuna ugu jawaabay Maahir weli waa inoo subax.

Hooyada:Igala kor tag hadalkaan laba-labada ah kaalay soo dhar badalo oo sida ugu dhaqsiyaha badan iigu imaaw hana iga isoo dib dhicin ,waxa uuna ugu jawaabay haye hooyo.

Hooyada:arin muhiim ayaan ka leeyahay soo dhaqso , Maahir ayaa yiri haye hooyo gacalisadeyda Maymuun la soo quraacanayaa wan soo wada baxeynaa .

Hooyada:xanaaq xanaaq dhaafay dhiiga ayaa ku karay waxa ay tiri kaalay adiga la`aanteda ma socon kartid miyaa kaliya in ay kula socoto taqaan caqli kale ma lihid , uga so tag guriga kaligaa ii imaaw ma doonayo in aan iyada kugu arko soona dhaqso .

Maahir isaga oo murageysan cod hooseeya ku hadlaya ayaa yiri haye hooyo waan ku imaanayaa , waxa uuna isa saaray taleefanka waxa uuna u dhaqaaqay in uu dharka iska badalo .

Waxa uu u soo baxay saalada waa tan xayaatadiisa oo miiska cunada ku diyaarisay markii ay aragtay in maahir deg deg u baxayo ayay ku tiri maxaa kugu dhacay oo uu la deg degaysaa una sheegtay in quraacada u diyaarisay .

Maahir ayaa yiri qaali dhib ma jiro hooyo ayaa dooneysa in ay arin igala hadasho waana muhiim in aan aado , waxa ayna Maymuun ku tiri waa arin wanaagsan wanaag ayay ku dhamaaneysay ee igu salaan .

Maahir albaabkii ayuu xiray waxa uuna u ruqaansaday dhanka guriga hooyadiis si uu u helo xog ku aadan waxa ay hooyadii qaabkaan xanaaqa ah in ay u hadasho ku qasbaya , waa kan isagii oo gaaray guriga hooyadii durba hadalo kulul ayaa lagu soo dhaweeyay waxaana war looga bilaabay ma la socotaa inta ka soo wareegatay guurkiina adiga iyo Maymuun.

Maahir ayaa ugu jawaabay ku dhawaad sand , hooyadii maxaa tiri sanad waryaa wax ma kuu sheegaa in ka badan sanad ayaa ka soo wareegatay , markaas ayuu maahir yiri hooyo arin gurkeyga qoseysa miyaa jira markaas ugu jawaabtay maxaad i weydiineysa miyaadan dareensaneen waxa jira.

Maahir isaga oo yaaban ayuu yiri hooyo sidee wax u jiraan , markas ayay ugu jawaabtay guurkiina sanad iyo wax ka badan ayaa ka soo wareegtay illaa iyo haatan wax kaagama jeedno
Markas ayu yiri aniga iyo maymuun miyaa?markas ugu ajwabtay war adiga iyo naagtaada wasaqda ah , maahir waxa uu yiri hooyo weli kuma fahmin sanad iyo jajabna kama soo wareegan , markaas ugu jawaabtay waryaa ilmo kaagama jeedo sanad ka badanna ayay kuula joogtaa .

Maahir oo qarinaya caradiisa ayaa yiri hooyo in aan wax dhalno iyo inanan dhalin waa arin aniga iyo Maymuun u dhaxeeysa sanad kaliya ayaana ka soo wareegay guurkeena .

Waa tan mahir hooyadii oo oohin la barooratay ilaa ay ka jilcisay qalbigiisa waxa ayna tiri iyada oo jileysa waxa aan doonayay in aa arko dhabtana saaro caruur aad aabo u tahay ka hor inta aan dhiman .

Maahir:hooyo sidaa ha dhihin ilaah waqtigaada ha dheereeye waadna arkeysaa caruur aan aabo u ahay , hooyadii ayaa ku jawaabtay goormee waaye maalintas aan arkayo caruurtaada,markaas ayuu ugu jawaabay dhawaan haddii alla idmo
Hooyadii ayaa mar kale ku celisay dhawaan mar waliba isla eraygaas ayaa tiraahdaa illaa haatan wax uma jeedo ilaa sanadkii dhamaaday.

Maahir oo isku dayaya in sheekadaasn uu soo xero ayaa ku yiri hooyo wax waliba gacanta alle ayay ku jiraan ee gacanteena ma ah , hooyadii ayaa ugu jawaabtay waryaa i maqal ilaah ayaan iska tala saaranayaa waan iska sabrayaa .

Maahir ayaa ugu jawaabay mahadsanid hooyo waana sii baxayaa wax kale miyaa jira , maya waryaa taxadar oo tasho .

Maahir markii uu u ku soo laabatay gurigisa waa tan Maymuun oo weli kor fadhida miiskii quraacada oo sugeysay inta uu ka soo laabanayo., wa tan iyada oo ka hor keentay xabibi alla ma ku soo nabad celiyay ,waxa uuna maahir isaga oo murageysan yiri qaali sidee ii tahay .

Markaas ayay maymuun ugu yeertay in ay wada quraacdaan , markaas ayuu ugu jawaabay ma quraacan karo ayuuna qolkii sii galay , kama aysan harin waa ay la gashay qolkii iyadoo ku tiri gacaliye waxan daremaya in aad murageysan tahay ma tahid qaabki aan kugu garanayay .

Markaas ayuu ugu jawaabay qaali wax dhib ah ma jiraan ,markaas ayay ku tiri hadalkaan qof aan ku aqoon ku dheh , in badan markii uu ka meer meeray ayuu ugu jawaabay Hooyadeey Hooyadeey .

Waxa uu yiri waa markii sedexaad oo ay tiraahdo hadalkaan ka dib waa uu joojiyay aamusay markaasi tri gacaliye ii dhameystir warka halka isna uu ka baqayay in uu dhaawaco dareemaheeda.

Isaga oo murageysan ayuu ku yiri waxa ay leedahay hooyo waxaan doonayaa in aan arko caruurtaada , Maymuun oo muragada durba ay ka soo muuqatay wajigeeda ayaa tiri Maahir gacaliye haa waa runteed hooyadaa waa wax jira wax ay dooneysa in ay aragto caruurtaada oo ku hor cayaaraya waxaana filayaa in wax ka badan arinkaas kugu dhihin .

Maymuun ayaa talo ahaan ugu soo jeedisay saacado ka dib in ay taqtar tagaan oo ay isa soo baaraan , waxa ayna labadaba aadeen ka dib markii si wacan ay isu dhunkadeen waxa ayna gaareen goobta baaritaanka.

Maalmo ka dib waxaa soo baxay jawaabtii baaritaanka waa ayna baxeen si jawabta u soo qaadaan , dhab ahaantii waxaa ka muuqatay Maahir murago halka maymuun muragadeeda ay ku qarineysay dhoola cadeyn been ah oo aan qalbiga jirin
Waa tan natiijadii oo soo baxday murago hadda ayay bilaabatay waxa ayna jawaabta noqotay Maymuun waa madhaleys madhaleys mana dhaleyso waligeed waana adag tahay in la daweeyo .

Maymuun gacanteeda afkeeda ayay ku iloowday oo ay saartay waxaana indhaheeda buuxiyay ilin iyada oo eegeysa maahir balse si naxariis leh ayuu u xabad giliyay , waa ayna soo baxeen oo gurigooda ayay soo aadeen .

Murago kale waa tan waxaa guriga ku sugeysa maahir hooyadii waxa ayna war uga bilaawday haye warkaan sheegayay soo run ma noqon oo isha soo kama ridin

La soco qeybta labaad Saacadaha Soo Socdo , waxa ayna qisadaan laba sano ka hor ka dhacday dalka south africa .

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login