Bahda Saxaafada ee xerooyinka Dhadhaab oo Hambalyo u dirayo Gudoomiyaha Dhalinyarada IFO

Filed under: Arimaha Bulshada,Jaceylka iyo Dhalinta Manta,News in Somali |

Dhamaan Bahda Saxaafada ee ka shaqa Gasha Xerooyinka Dhadhaab ayaa waxaa eey Hambalyo u dirayaa Caruuska iyo Caruusada Kala ah Liibaan Rashiid Mohamed iyo Marwadiisa Halimo Mohamud Siyaad. oo ku aqal gelaya malinta talaadada ah Xerada Qaxootiga ee Ifo.

liibaan Rashiid oo  Kamid ah Dhalinyarada sida aadka ah looga yaqaan Xerooyinka Qaxootiga kana soo Qabtay Xerooyinka Qaxootiga Jagooyin kala duwan haatana ah Gudoomiyaha Guud ee Dalada ey ku mideysanyihiin Dhalinyarada kusugan Xerada Qaxootiga Ifo ahna Afhayeenka Guud ee Sedexda Xero ee dhaca Dhadhaab intaasi waxaa xilalka u dheer libaan in uu yahay Qof Qibrad u leh Allada Looyaqaan Kaamarada uuna soo saaray Filimaan Lagu wacyi gelinayo Bulshada Qaxootiga sidii eey aga hortegi lahayeen cudurada iyo jaahilnimada.. Sida La ogyahay liibaan ayaa ayaa ah qof ku wacan ama ka dhex muuqda bulshada uu la noolyahay.waxana Meherkoodu u Kadhacayaa Xerada Qaxootiga IFo iyadoona la rajeynayo in uu Aqal galo malinta Talaadada ah ee ku beegan 27/09/2012.  Bahda Saxaafada iyo dhamaan Dhalinyarada Xerooyinka Qaxootiga oo isku duuban aya waxaa eey hawada u marinayan Caruuska iyo Caruusada Salaan kal iyo laableh.

Waxaanu leenahay Guurkiina Guur Qeer Gurigiina Guri Nagi.

 

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login