Dagaal xoogan ayaa saaka Ciidamada dowladda, Kenya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo dagaalka muddo socday uu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo hareeraha deegaanka Kulbiyow ku lahaayeen Ciidamada huwanta.
Inta la og yahay shan ruux ayaa ku dhimatay halka toban kalena ku dhaawacmeen oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska difaaceen, isla markaana dagaalka uu ku koobnaa hareeraha deegaanka.
Deegaanka Kulbiyow oo sanadkii la soo dhaafay qabsadeen Ciidamada huwanta ayaa waxaa looga tagay ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Kenyan iyo Soomaaliya.
Mohamud Bashir
Www.dadabcamps.com
Xafiiska-Dadaab-Kenya
You must be logged in to post a comment Login