Wararka naga soo gaaraaya dalka Koonfur Africa ayaa soo sheegaaya in ganacsade Soomaali ah si arxan darro ah loogu dilay magaalada Kaliija ee dalkaasi.
Muwaadinka Soomaaliga ah oo lagu magcaabi jiray Liibaan ayaa waxaa si arxan darro ah u dilay nin South African ah kaasi oo qudha kaga jaray toorey ama mindi ilaa uu ka geeriyooday.
Booliska ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka u geystay muwaadinka Soomaaliga ah kaasi oo ay iminka ku socdaan baaritaano ku aadan sababta uu dilka u geystay.
Dilka magaalada Kaliija loogu geystay ganacsadaha Soomaaliga ah ayaa ah mid ku cusub dalkaasi maadaama dilka lagu geystay toorey.
Sidoo kale waxaa talaabo cusub ah in Ciidamada Booliska dalkaasi ay gacanta ku dhigaan ruux South African ah oo dil u geystey dadka ajaaniibta ah ee ay Soomaalida kamid tahay.
Gudaha dalka South Africa ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa caadi ka noqday dilalka sharci darrada ah loo geysto Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi.
Mohamud sheikh
www.dadabcamps.com
You must be logged in to post a comment Login