war degdeg ah: Shabaab oo kaxeeystey Dhalinyaro badan…….

Filed under: News in Somali |

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soogaaraya Degaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay soo sheegayaan in Xalay ilaa Saakay ay Al-Shabaab dhalinyaro badan ku xirxireen halkaasi. Qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay dadabcamps.com ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay xir xireen ilaa dhalin yaro gaaraya 7  kuwaas oo ay sheegeen dadkaan la hadlay dadabcamps.com in ay ahaayeen dhalinyaradii ku dhaqneed Degaanka Buulamareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ay intaa siiraaciyeen in ay kaqab qabteen Meel suuq ah. Waxaana la tilmaamay in ay Al-Shabaab dhalinyaradaan ku tuhmeen in ay xiriir laleeyihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM islamarkaana ay baarayaan. Ilaa iyo haatan macada sababta rasmigaa ee kadambeysa in ay Al-Shabaab xir xiraan dhalintaani iyo sidookale halka ay ukaxeesteen dhalinyaradaan. Dadka rayidkaa ee halkaasi ku dhaqan ayaa waxa ay arintaan kamuujiyeen Cabsi iyo wal wal ku aadan in ay Al-Shabaab markale Degaanka Buulamareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay dhalinta kale ee halkaasi ku harsan ay qab qabtaan. Ugu dambeentii qaar kamid ah dadka waxdaraasa ayaa waxa ay arintaan ku micneeyeen oo ay Al-Shabaab dhakinyarada u qa qabanayaan ay tahay culees dhanka Malatariga oo soofoodsaaray Al-Shabaab maalmihii dambe kaas oo kaga imaanaya dhanka Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM.

Mohamud Bashir

www.dadabcamps.com

xafiiska Dadaab-Kenya

Booqo Ardeyda Ardeyda Qaxootiga u istaagtay

You must be logged in to post a comment Login